Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Xog Dheeraad Ah Oo Laga Helay Sababta Uu Isku Casilay Gudoomiyihii Baarlamaanka Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Xog Dheeraad Ah Oo Laga Helay Sababta Uu Isku Casilay Gudoomiyihii Baarlamaanka Itoobiya.

October 8, 2017

Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in guddoomiyihii Baarlamaanka Itoobiya uu iscasilay isagoona dowladda ku eedeeyay in ay xasuuq ku heyso qowmiyadda uu kasoo jeedo ee Oromada.

Wargeyska Addis Ababa Standard ayaa faafiyay in Abadula Gemeda uu isaga tagay shaqadii uu u hayay Taliska Tigreega ee fadhigiisu yahay magaalada Addis Ababa.

Abadula Gemeda ayaa istiqaaladiisa dhiibtay isagoo si cara leh uga hadlay xasuuqa ay ciidamada Melleteriga Itoobiya iyo maleeshiyaadka Liyuu Booliska ka wadaan gobolka Oromia ee kaabiga ku haaya magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

“Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Abadula Gemeda uu istiqaaladiisa u dhiibay dowladda Federaaliga Itoobiya isagoo ka cabanaya, xasuuqa iyo gabood fallada ay ciidamada Melleteriga iyo kuwa ammaanka ay ka wadaan gobolka Oromia gacan ka hadalkaas oo sababay in ay barakacaan dad ka badan 150-kun oo qof” sidaas waxaa faafiyay wargeyska Addis Ababa Standard.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kacdoonada ka socda gobollada Oromia iyo Amhara uu sababay kala qeybsanaan aan horay loo arag oo soo kala dhaxgashay xildhibaanada golaha baarlamaanka iyo wasiirrada arrinkaas oo keenay in habacsanaan ay soo wajahdo dowladda Federaaliga Itoobiya.

Waxaa guul darreystay dadaallo uu wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya ku doonayay in guddoomiyaha Baarlamaanka ku qanciyo ka joogsashada iscasiladda, inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Itoobiya ee kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa dibad joog ka ah kulamada joogtada ah ee ka dhaca magaalada Addis Ababa.

Tani waa kala qeybsanaantii ugu horraysay ee dhanka siyaasadda ah ee uu reebo kacdoonka shacbiga Itoobiya, hay’adaha xuquuqul inshaanka sheegta ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyay in awood xad dhaaf ah ay u adeegsatay dambinta kacdoonka shacbiga ah.

Dhibaatada ugu daran waxay ka jirtaa gobolka Oromia halkaas oo xukuumaddu ay udirtay maleeshiyaadka calooshood u shaqeystayaasha Soomaalida Liyuu Booliska loo yaqaan waxaana lagu eedeeyay in ay geysteen kufsi jamaaci ah iyo xasuuq aan kala sooc laheyn sida iyagoo gubay in kabadan 50 tuulo islamarkaana laayay kumanaan neef oo lo’ ah.

Abadula Gemeda ayaa ahaa siyaasi ruug caddaa ah kaasi oo kasoo dhax muuqan jiray mas’uuliyiinta xukuumadda Xabashida Itoobiya, xilligii uu Males Zenawi ahaa R/wasaaraha wadanka wuxuu soo qabtay xilal kala duwan sida isagoo noqay madaxweynaha maamul goboleedka Oromia iyo wasiirka difaaca.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka iscasilay uu ahaa buundo ay Tigreegu uga gudbaan itoobiya inteeda kale balse buundadaasi ay ciladowday.

Qowmiyadda Ormada oo badankeed ah muslimiin waa lagu qiyaasaa 45 milyan oo qof kuwaas oo sanadadii lasoo dhaafay wajahayay cadaadis dhan walba ah oo uga imaanaya dowladda Itoobiya, balse sanadadii dambe waxay qowmiyaddu hormuud u aheyd kacdoon isbedel doon ah oo wadanka intiisa kale ka hana qaaday.

Continue Reading

Previous: Diyaarad Ay La Socdeen Askar American Ah Oo Lagu Soo Riday Afghanistan.
Next: Kolanyo Ka Tirsan Shisheeyaha Oo Qarax Lala Beegsaday.

Related Stories

Daawo Gudoomiyaha Odayaasha Sh/dhexe Oo Sheegay In Bulshada Gobalka Si Buuxda U Qaateen Fatwadii Culimada.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal
  • Warar

Daawo Gudoomiyaha Odayaasha Sh/dhexe Oo Sheegay In Bulshada Gobalka Si Buuxda U Qaateen Fatwadii Culimada.

November 21, 2022
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -28-4-1444-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -28-4-1444-Hijri.

November 21, 2022
Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022

Sawirro

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.