Xog Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Dagaal Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo markale dib uga qarxay deegaanno dhaca duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo xarunta Jubbada Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa dhacay maanta barqadii kadib markii maleeshiyaad katirsan maamulka Axmed Madoobe ay isku dayeen in ay udhaqaaqaan dhanka deegaanka Sanguuni.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar kala hor tagay maleeshiyaadka ka hor intii aysan gaari Sanguuni, ilo wareedyo ayaa sheegaya in 2 askari lagu dagaalka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada maamulka Ashahaado la dirirka Jubbaland lagu qasbay in ay dib ugu laabtaan deegaanka Baarka oo ay saldhig melleteri ku leeyihiin.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ay difaacdeen deegaanka Sanguuni islamarkaana ay si caadi ah umaamulayaan.

Comments are closed.