1 thought on “Xoogaga Jeyshul Fatxi Iyo Kacdoon Wadayaasha Suuriya Oo Go’doomintii Ka Qaaday Xalab.

  1. Meejaa kihilaab bayna dhigay marag Ilaahaye
    Hadii ay midnimo jiri lahayd nama muquunsheene
    Mushrik iyo nijaas macatab xiran nama muquunsheene
    Maatadeen malaayeen kufriga ama majuus kiiye
    Milyan iyo balaayiin khalqiya qiray macbuud kooda
    Miladiisu gaal nimay ahayd kuma magaageene
    Xabashiga mudhaa iyo Tigree kama macaasheene
    Godobtaa midnimo iyo kartaa lagu miraabaaye
    Maalmaan ku helinayn xoriyad muunad iyo khayre
    An midowno muslimow kufriga waynu maamuline
    An khilaafka meejaa na dhigay maanta kacarawno
    Macbuud keenu taasuu nafaray maalin iyo layle
    Midnimiyo ikhlaas iyo ismaqal maamul la adeeco
    Maalkoon la baatulin wartiro yiri maxbuub keene
    Nabi moxamed salalaahu wasalama dhaxal ma guuraana
    Murti waano oo nooga dhigan waa miduu yiriye
    An midawno musilow xoriyad maalin bay imane

Comments are closed.