Xuuthiyiinta Oo Gantaalo Ku Garaacay Gooba Ka Tirsan Dalka Sacuudiga.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay gantaalo Maleeshiyada Xuuthiyiinta Yemen ay kusoo rideen Gudaha Wadanka Sucuudigi, xilli dagaalka Yemen uu galay sanadkiisii sadexaad.

Afhayeen u hadlay maleeshiyada Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay tiro gantaalaha baaleestiga ah ay ku rideen bartilmaameedyo kala gadisan oo ku yaalla gudaha wadanka Sucuudiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin Garoonka caalamiga ah ee Boqor Khaalid ee ku yaalla Caasimada Riyaad, Saldhiga ciidamada Jaazaan o ku yaalla koonfurta Sucuudiga iyo garoonka diyaaradaha gobolka Casiir.

Dhanka kale ciidamada Dowlada Sucuudiga ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay ka hortageen ayna hawada ku burburiyeen ilaa 7 gantaal oo laga soo tuuray wadanka Yemen, kuwaas oo 3 kamid ah ay kusoo jeedeen Caasimada Riyaad, mid kalena uu kusoo wajahnaa Najraan, halka labo kalena ay kusoo socdeen Jaazaan.

Warbaahinta Dalka Sucuudiga ayaa sheegeysa in hal qof uu ku dhintay duqaymaha maleeshiyada Xuuthiyiintu ay ka geysteen Magaalada Riyaad ee caasimada wadanka Sucuudiga.

Dagaalka ay isbahaysatada wadamada Carabta ah oo ay hogaaminayaan Sucuudiga iyo Imaaraadku ku qaadeen Maleeshiyada Xuuthiyiinta wadanka Yemen ayaa galay sanadkiisii sadexaad, iyadoo dagaalkaas ay ka dhasheen dhibaatooyin aad u daran oo soo gaaray shacabka wadanka Yemen.

1 Comment
  1. Cabdi jaleelo says

    Waxaan ku farxi laa yagoo ku dhufta qasriaga madaxtooyada

Comments are closed.