Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Yahuudda Oo Go’aamisay Deegaameynta Dhul Hor Leh Oo Ku Yaalla Magaalada Qudus
  • Allposts
  • Warar

Yahuudda Oo Go’aamisay Deegaameynta Dhul Hor Leh Oo Ku Yaalla Magaalada Qudus

calamada January 23, 2017 2 min read
81

qudusXukuumadda Sahyuuniyadda ee xoogga ku heysata dhulka Muslimiinta reer Filastiin ayaa kulan ay isugu yimaadeen maalintii Axadda ee shalay waxay ku ogolaadeen in inkabadan 560 dhismayaal ah oo cusub oo lagu deegaameyn doono dadka Yahuudda ah in laga dhiso Seddax deegaan oo kuyaalla bariga magaalada la heysto ee Al-Qudus.

Qorshahan oo ay soo bandhigeen Guddiga qorsheynta ee maamulka Yahuudda u qaabilsan magaalada Al-Qudus ayay si buuxda isugu raaceen golaha Wasiirada ee xukuumadda Sahyuuniyadda, waxaana go’aankani uu imaanayaa Seddax maalmood kadib markii Donald Trump loo caleema saaray hogaamiyaha cusub ee dalka Mareykanka.

Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benyamin Netanyahu ayaa dib u dhigay meel marinta go’aankan horraantii bishan, kadib markii waxa loogu yeero Golaha Ammaanka ee Gaalada Qaramada Midoobey ay ku baaqeen in la joojiyo deegaameynta Yahuuddu ay ka wadaan bariga magaalada Al-Qudus, waxaana taasi ay aad uga careysiisay Ra’iisul wasaaraha Yahuudda, isagoona u yeeray qaar ka tirsan Safiiradaha dowladaha ka codeeyay Yahuudda.

Xukuumadda Sahyuuniyadda ayaa quud dareyneysa in Maamulka cusub ee majaraha uu u hayo Donald Trump inuu noqdo mid si weyn u taageera Yahuudda in ka badan intii uu Yahuudda taageeri jiray Maamulkii hore ee Barack Obama marka laga hadlayo arrimaha dhulka xoogga lagu deegaameynayo dadka Yahuudda ah ee kuyaalla daanta galbeed iyo magaalada Al-Qudus.

Madaxweynaha cusub ee Donald Trump ayaa intii uu ku jiray ol-olasha doorashada waxa uusan qarsan sida xad dhaafka ah ee jaceylka iyo taageerada uu ugu hayo Yahuudda, isagoona ballan qaaday in Maamulkiisa cusub uu si kal iyo laab ah si isugu mid ah ugu adeegi doono danaha dadka Yahuudda iyo kuwa Mareykanka.

maalinta Axadda ee shalay waxaa khadka teleefonka ku wada hadlay Donlad Trump iyo Benyamiin Netanyahuu, iyagoona isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihii Qaddiyada dhulka xoogga lagu heysto ee Filastiin, Xaaladda Suuriya iyo arrimaha dalka Iiraan.

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Imaarada Islaamiga Afghanistan Oo War Kasoo Saartay Isbadalka Ka Dhacay Mareykanka.
Next: Dhageyso Sh Yuusuf Kabo Ku Dukade Oo Ka Hadlay Dilka Taliyihii Booliska Gobalka Shabeelada Dhexe.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

May 3, 2022
Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

May 3, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

May 2, 2022
Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

May 2, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.